Ciidanka Kumaandooska Danab oo Howlgal Ka Fuliyay Degmada Kuntuwaarey

0

MUQDISHO  – Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal bartilmaameed ah ka fuliyay degmada Kuntuwaarey ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

 

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga, howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday goob ay ku sugnaayeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab. Intii uu socday howlgalka, ciidamada ayaa dilay 14 dagaalyahan oo ka tirsanaa kooxda.

Ciidanka Danab ayaa sidoo kale burburiyay keyd hub, walxaha qarxa iyo agab kale oo kooxdaasi u adeegsan jirtay qorsheynta iyo fulinta falalka argagixisanimo ee lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku ciribtirayaan Al-Shabaab, isla markaana ay ku xaqiijinayaan amniga iyo xasilloonida deegaannada dalka.May be an image of map and text that says "Xoogga Dalka degmada Kurtunwaarey 2026: Ciidanka Kumaandooska Danab Soomaaliyeed αγαα howlgal lagu Khawaarijta fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose. Howlgalka αγαα lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen tirsan lagu Intii UU socday howlgalka, ka tirsanaa Khawaarijta. dhagarqabe kale, Ciidanka aγαα burburiyay kayd hub, walxaha qarxa iyo agab oo Khawaarijtu adeegsan jirtay diyaarinta iyo falalka argagixisanimo lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed. Howlgalkan ayaa qayb ah dadaallada joogtada ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed jiraan ciribtirka Khawaarijta baxay cabburinta shacabka, dhaca hantidooda iyo falalka ee geystaan deegaannada dalka. Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed waxaa sii wadidda xaqiijinayo xasilloonida iyo nabadda dalka. >DHAMMAAD<"

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here