BANGUI – Milateriga Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa si rasmi ah u beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegayay inuu jiro qorshe lagu afgambinayo dowladda, iyagoo ku adkeystay in xaaladda dalka ay deggan tahay, hay’adaha dowladduna si caadi ah u shaqeynayaan.
War-saxaafadeed ay soo saareen Taliska Ciidamada Qalabka Sida ayaa lagu sheegay in wararka ku saabsan isku day afgambi ay yihiin kuwo aan sal lahayn, isla markaana looga gol leeyahay in lagu abuuro jahwareer iyo kalsooni darro bulshada dhexdeeda.
Saraakiisha milateriga ayaa shacabka ugu baaqay inay ka fogaadaan wararka aan la xaqiijin, ayna ku kalsoonaadaan oo keliya xogaha kasoo baxa hay’adaha rasmiga ah ee dowladda.
Mas’uuliyiinta magaalada Bangui ayaa xaqiijiyay in ciidamada ammaanku ay si buuxda u gudanayaan waajibaadkooda isla markaana ay daacad u yihiin dowladda Madaxweyne Faustin-Archange Touadéra, iyagoo xusay in aysan jirin wax khatar ah oo ku wajahan nidaamka dowladeed ee dalka.
Milateriga ayaa sidoo kale ka digay faafinta wararka been abuurka ah, kuwaas oo ay sheegeen inay dhaawici karaan amniga qaranka iyo xasilloonida bulshada.
Bayaanka ayaa kusoo beegmaya xilli dalal badan oo Afrika ah ay sanadihii u dambeeyay la kulmeen afgambi iyo isku dayo xukunka lagu qabsanayo, taasoo keentay in wararka noocan oo kale ah si degdeg ah ugu faaftaan baraha bulshada.
Dowladda Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa ku adkaysatay in dalka uu deggan yahay, isla markaana aysan jirin wax isku day afgambi ah, iyadoo wararka la isla dhexmarayo ku tilmaantay kuwo mala-awaal iyo dacaayad ku saleysan.




