Ra’iisul Wasaare Xamsa Oo Qaabilay Danjiraha Sacuudiga, Kana Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Labada Dal

0

MUQDISHO  — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Axmed Bin Maxammed Al-Muwalad, waxa ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga, iyo horumarinta iskaashiga dhaqaalaha iyo Maalgashiga.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyay Dowladda Boqortooyada Sacuudiga taageeradeeda joogta ah ee ay siiso shacabka Soomaaliyeed iyo garab istaagga midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dhankiisa, Danjire Axmed Bin Maxammed, ayaa la-wadaagay Ra’iisul Wasaaraha, sida ay uga go’antahay xoojinta iskaashiga iyo garab istaagga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed kala dhexeeya Boqortooyada Sacuudiga isaga oo ku ammaanay dowladda sugidda amniga iyo dardargelinta horumarrada balaaran ee ka socda guud ahaan dalka.

May be an image of one or more people and textMay be an image of dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here