Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax Dhigay Taallada Dhagaxtuur Xuska 26-ka Juun Awgii

0

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ubax dhigay Taallada Dhagaxtuur ee magaalada Muqdisho, isagoo maamuusay halyeeyadii Soomaaliyeed ee naftooda u huray halgankii gobannimo-doonka iyo xorriyadda dalka.

 

Munaasabadda ubax dhigga ayaa qeyb ka ahayd dabaaldegga 66-guurada kasoo wareegtay maalintii gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ay xornimada qaateen, 26-kii Juun 1960, oo ahayd maalintii ugu horreysay ee calanka Soomaaliyeed ee xor ah laga taago dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in halgankii gobannimo-doonka uu saldhig u ahaa dhismaha dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo ku baaqay in la ilaaliyo midnimada, wadajirka iyo qiyamka ay u soo halgameen halyeeyadii dalka.

Munaasabadda ayaa qayb ka ah toddobaadka xorriyadda Soomaaliyeed, oo sanad walba lagu xuso dhacdooyinkii taariikhiga ahaa ee horseeday gobannimada iyo mideyntii Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.

Xuska 26-ka Juun ayaa lagu maamuusaa guud ahaan dalka, iyadoo lagu xasuusto halgankii gobannimo-doonka iyo doorkii ay halyeeyadii Soomaaliyeed ka qaateen xaqiijinta xorriyadda iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

May be an image of one or more people, dais and text that says "IDA COn J0I"

May be an image of dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here