SoDMA oo sagootisay 25 sarkaal oo tababar uga ambabaxaya Shiinaha

0

Muqdisho – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay wehliyaan qaar ka mid ah Wasiirrada Gargaarka ee Dowlad-goboleedyada, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan sagootin ah ugu sameeyay 25 sarkaal.

 

Saraakiishan oo ka kala socda SoDMA iyo Wasaaradaha Gargaarka ee dowlad-goboleedyada ayaa tababar ku saabsan u diyaar-garowga, ka hortagga iyo ka jawaabista fatahaadaha ku soo qaadan doona dalka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha.

Tababarkan ayaa yimid xilli la saadaalinayo roobabka Dayrta oo la xiriira ifafaalaha El Niño, kuwaas oo laga cabsi qabo inay sababi karaan fatahaado iyo daadad saameeya qaybo ka mid ah dalka.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha SoDMA ayaa saraakiisha kula dardaarmay inay muujiyaan hufnaan, anshax iyo waddaniyad inta ay ku guda jiraan tababarka, isla markaana ay aqoonta iyo xirfadaha ay helaan dib ugu soo celiyaan hay’adaha ay ka tirsan yihiin si loo xoojiyo awoodda dalka ee ka hortagga iyo maaraynta musiibooyinka, gaar ahaan fatahaadaha.May be an image of one or more people

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here