Ciidamada Gaarka ah ee Kenya oo sheegay inay dileen 11 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab

0

Mandheera – Ciidamada Hawlgalka Gaarka ah ee Kenya (Special Operations Group – SOG) ayaa sheegay inay dileen 11 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kaddib howlgal ay ka fuliyeen meel u dhow xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

 

Sida ay sheegeen ciidamada Kenya, howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday xero ku meel gaar ah oo ay Al-Shabaab ka sameysteen deegaanka ku dhow xadka labada dal. Ciidamada SOG ayaa la sheegay inay la galeen kooxda iska horimaad kooban, kaas oo sababay in dagaalyahannada Al-Shabaab ay ka baxsadaan goobta una cararaan dhinaca Soomaaliya.

Wararka ayaa intaas ku daraya in intii uu socday howlgalka lagu dilay 11 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka toddobo kale la sheegay inay ku dhaawacmeen dagaalka. Ciidamada Kenya ayaa sidoo kale sheegay inay gacanta ku dhigeen hub ay ka mid yihiin saddex qori oo nooca PKM ah iyo 409 xabbo oo rasaas ah.

Saraakiisha ammaanka Kenya ayaa sheegay in kooxda la beegsaday ay qorsheynaysay inay weerarro ka fuliyaan mid ka mid ah tuulooyinka ku yaalla xadka gobolka Mandheera. Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay ciidamada ammaanka Kenya ku xoojinayaan la dagaallanka Al-Shabaab iyo sugidda amniga deegaannada ku teedsan xadka Soomaaliya iyo Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here