Jubbada Hoose – Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 162-aad ee Guutada 16-aad, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaannada Lafa-gari, Xabala Afwaax iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo lagu burburiyay fariisimo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday goobo ay kooxda Al-Shabaab u adeegsanaysay gabaad iyo saldhigyo ku-meel-gaar ah. Ciidamada Danab ayaa gudaha u galay goobahaas, iyagoo gebi ahaanba burburiyay xarumihii ay kooxdaasi ku dhuumaaleysanaysay.
Sidoo kale, intii uu socday howlgalka ayaa ciidamada waxay gacanta ku dhigeen hub iyo saanad ciidan oo ay Al-Shabaab uga carareen goobihii la weeraray. Hubka iyo agabka la qabtay ayaa la sheegay inay kooxda u adeegsan jirtay fulinta falal amni-darro ah.
Taliska Kumaandooska Danab ayaa sheegay in howlgalka uu ku soo dhammaaday guul, isla markaana uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab, laguna xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida deegaannada. Taliska ayaa sidoo kale xaqiijiyay in howlgalada noocan oo kale ah ay sii socon doonaan ilaa laga ciribtiro Al-Shabaab, loona sugo nabad iyo xasillooni waarta guud ahaan dalka.



