Islamabad – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa saxiixday buugga tacsida ee loo furay geerida Amiirkii hore ee Dowladda Qatar, Alle ha u naxariistee Sheekh Xamad Bin Khaliifa, intii ay booqasho ku joogtay Safaaradda Dowladda Qatar ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan.
Wasiir Khadiija ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay dowladda, hoggaanka iyo shacabka Dowladda Qatar, iyadoo uga tacsiyeeysay geerida marxuumka, isla markaana Alle uga bariday inuu naxariistiisa janno ku mannaysto.
Waxay xustay in Dowladda iyo shacabka Qatar ay mar walba garab istaageen Soomaaliya xilliyadii adkaa, isla markaana ay door muuqda ka qaateen taageerada shacabka Soomaaliyeed iyo dadaallada dib u dhiska iyo horumarinta dalka. Waxay sheegtay in la wadaagga murugada uu ka tarjumayo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga qotoda dheer ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar.
Munaasabadda saxiixa buugga tacsida waxaa Wasiirka ku weheliyay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Pakistan, Danjire Sheekh Nuur Maxamed Xasan, iyagoo mar kale Alle uga baryay marxuumka inuu ku abaalmariyo Jannatul Firdowsa, dowladda iyo shacabka Qatarna ka siiyo samir iyo iimaan.




