Ugu yaraan 50 muhaajiriin Soomaali ay ku jiraan oo lagu la’yahay Badda Mediterranean-ka kadib markii doontoodii degtay

0

Liibiya  – Ugu yaraan 50 muhaajiriin ah, oo ay ku jiraan Soomaali, haween iyo carruur, ayaa lagu la’yahay Badda Mediterranean-ka, halka 10 qof laga soo badbaadiyay kadib markii doon alwaax ah oo ay saarnaayeen ay ku degtay xeebaha bari ee Liibiya, sida ay ilo amni u sheegeen Reuters.

 

Dadkii badbaaday ayaa laga soo samatabbixiyay meel u dhow Jasiiradda El-Bardaa, oo qiyaastii 70 kiiloomitir dhanka galbeed kaga beegan magaalada Tobruk, una dhow xadka Liibiya iyo Masar.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in doonta ay saarnaayeen ku dhawaad 60 muhaajiriin ah oo ka kala yimid dalalka ku yaalla koonfurta Saxaraha Afrika, iyada qaar ka mid dadkaasi la tuhunsanyahay in ay Soomaali ku jiraan. Dadkii badbaaday ayaa sheegay in safarku uu billowday aroortii hore ee Talaadada, balse doontu ay ku degtay badda xilli ay ku sii jeedeen Yurub.

Liibiya ayaa weli ah marin muhiim ah oo ay isticmaalaan muhaajiriinta iyo magangalyo-doonka doonaya inay gaaraan Yurub, iyagoo sii mara saxaraha iyo Badda Mediterranean-ka. Si kastaba ha ahaatee, safarradaasi ayaa inta badan noqda kuwo halis badan, iyadoo kumannaan qof ay sanad kasta ku dhintaan ama lagu la’yahay badda.

Dhacdo kale oo la xiriirta muhaajiriinta, kooxaha gurmadka ee magaalada Tobruk ayaa Isniintii soo saaray afar meyd oo muhaajiriin ah, halka 24 kale laga soo badbaadiyay doon muddo laba toddobaad ah ku cilladaysnayd biyaha Liibiya.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in doontaasi ay waday 28 muhaajiriin ah oo muddo dheer ku go’doonsanaa badda, iyagoo wajahaya xaalado bani’aadannimo oo aad u daran. Afarta qof ee geeriyootay ayaa la sheegay inay u dhinteen gaajo, harraad iyo duruufo adag oo safarka la xiriira. Dadkii laga soo badbaadiyay dhacdadaas ayaa loo qaaday isbitaallo ku yaalla Tobruk si loogu helo daryeel caafimaad.

Masiibooyinka ka dhaca Badda Mediterranean-ka ayaa weli sii socda. Bishii Juun oo keliya, mas’uuliyiinta Tobruk ayaa soo saaray 26 meyd oo muhaajiriin ah kadib markii doon kale ay ku degtay meel u dhow magaalada, taas oo mar kale muujinaysa khatarta weyn ee ay wajahayaan dadka isku daya inay si sharci darro ah uga gudbaan badda si ay u gaaraan Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here