Wasiirka Qorsheynta oo Golaha ECOSOC ka Soo Bandhigay Horumarka Soomaaliya

0

New York – Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamuud Cabdiraxmaan Faarax (Beenebeene), ayaa khudbad rasmi ah ka jeediyay shirka heer wasiir ee Golaha Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada ee Qaramada Midoobay (ECOSOC), isagoo beesha caalamka u soo bandhigay horumarka ay Soomaaliya ka gaartay dhinacyada dhaqaalaha, horumarinta bulshada, amniga, dowladnimada iyo sareynta sharciga.

Wasiirka ayaa iftiimiyay guulaha taariikhiga ah ee dalka ka gaaray dib-u-habeynta dhaqaalaha, dowlad-dhiska iyo dimuqraadiyadeynta. Wuxuu xusay dhammaystirka Barnaamijka Deyn Cafinta (HIPC Completion Point), qaadista cunaqabateyntii hubka ee Qaramada Midoobay, hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod ee ugu horreeyay muddo ka badan 50 sano, doorashada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyo guulaha laga gaaray dib-u-xoreynta deegaannadii laga saaray Al-Shabaab.

Wasiir Beenebeene ayaa sheegay in Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029) uu yahay tubta hagaysa horumarka dalka, isla markaana uu saldhig u yahay u-guurista horumar waara oo ku dhisan kobac dhaqaale, maalgashi iyo hoggaan qaran, iyadoo si tartiib tartiib ah looga gudbayo ku tiirsanaanta gargaarka bani’aadannimo.

Sidoo kale, wuxuu xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay qorsheynta ku saleysan xogta, xoojinta nidaamka tirakoobka qaranka iyo horumarinta go’aan-qaadashada ku dhisan caddeymo, kuwaas oo sare u qaaday dabagalka iyo qiimeynta horumarka laga gaarayo Yoolalka Horumarka Waara (SDGs).

Gabagabadii, Wasiirka Qorsheynta ayaa ugu baaqay saaxiibbada horumarinta inay sii xoojiyaan iskaashiga ay la leeyihiin Soomaaliya, isla markaana ballan-qaadyadooda u beddelaan ficillo wax ku ool ah oo lagu taageerayo mudnaanta horumarineed ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here