Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Ka Fuliyay Deegaanno Hoostaga Sablaale

0

Shabeellaha Hoose – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

 

Howlgalka ayaa laga fuliyay tuulooyinka Faytaan, Sadex, Aqab, Wabi Goof, Buula Doon, Baroodooy, Xaliima iyo Yaalo, kuwaas oo dhammaantood hoostaga degmada Sablaale.

Taliyaha Ururka 61-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Dhamme Jamaal Cilmi Aadan, oo hoggaaminayay howlgalka, ayaa sheegay in ciidamada ay burburiyeen goobo ay Al-Shabaab gabaad ka dhigan jireen, kuwaas oo ay u adeegsan jireen dhibaateynta iyo cabsi gelinta shacabka ku nool deegaannada hoostaga Sablaale.

Taliyaha ayaa xusay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu baacsanayo Al-Shabaab, laguna xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida deegaannada gobolka Shabeellaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here