Laascaanood – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa boqolaal shacab ah iyo hoggaanka Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari kala qeybgalay munaasabadda lagu xusay sanad-guuradii koowaad ee aas-aaska maamulkaasi, taas oo lagu qabtay fagaare ku yaalla magaalada Laascaanood.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbad uu halkaasi ka jeediyay ku bogaadiyay horumarka uu maamulka Waqooyi Bari sameeyay muddadii koobnayd ee uu jiray, isagoo xusay in wax badan laga qabtay dhinacyada maamulka iyo adeegyada bulshada. Wuxuu adkeeyay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay taageeridda iyo garab istaagga Waqooyi Bari, isagoo ku tilmaamay astaan mideysa shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, wuxuu hambalyo u diray shacabka Waqooyi Bari meel kasta oo ay joogaan, isagoo ku ammaanay horumarka uu maamulka ku tallaabsaday sanadkii ugu horreeyay ee jiritaankiisa. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in deegaanka ay ka soo jeedaan dad door muuqda ku leh taariikhda iyo halganka Soomaaliyeed, isla markaana ay hormuud u yihiin adkeysiga iyo midnimada ummadda.
Wuxuu ugu baaqay shacabka iyo maamulka Waqooyi Bari inay xoojiyaan wada noolaanshaha, deris-wanaagga iyo xiriirka walaaltinimo ee kala dhexeeya dowlad-goboleedyada kale, si loo adkeeyo midnimada iyo iskaashiga Soomaaliyeed.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu hambalyeeyay doorashadii qof iyo cod ee dhowaan ka qabsoontay Galmudug, isagoo sheegay in qorshuhu yahay in nidaamkaas laga hirgeliyo deegaanno kale oo dalka ka tirsan, si shacabka loogu soo celiyo awoodda doorashada.
Wuxuu sidoo kale cambaareeyay hadallada siyaasiyiinta qaarkood ee ku baaqaya in talada dalka laga wareejiyo gacanta shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay ilaalinta madax-bannaanida iyo go’aan qaadashada qaranka.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusay in Soomaaliya ay weli wajahayso caqabado waaweyn oo ay ugu horreeyaan la dagaallanka kooxaha argagixisada iyo cid kasta oo caqabad ku ah horumarka dowladnimada iyo xasilloonida dalka.
Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale hadallo ka jeediyay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Federaalka, kuwaas oo ka warbixiyay mashaariicda horumarineed ee Dowladda Federaalka ay ka hirgelinayso deegaannada Waqooyi Bari, iyagoo caddeeyay in la sii dardargelin doono adeegyada iyo mashaariicda muhiimka u ah bulshada.




