Gaalkacyo – Dowladda Puntland ayaa sheegtay inay qaadayso tallaabooyin lagu soo afjarayo dagaalka iyo xiisadda ka taagan magaalada Gaalkacyo, iyadoo ciidamada ammaanka ay ka fuliyeen hawlgal amni oo ka dhan ah kooxo hubeysan oo ay ku eedeysay inay khatar ku yihiin amniga iyo xasilloonida.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in hawlgalka laga fuliyay goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad hubeysan, isla markaana uu qayb ka yahay dadaallada lagu xaqiijinayo sarreynta sharciga, ilaalinta shacabka iyo ciribtirka kooxaha hubeysan ee lagu eedeeyay inay wax u dhimayaan nabadda iyo kala dambeynta.
Puntland waxay sheegtay in hawlgalku uu weli socdo, islamarkaana loo fulinayo si waafaqsan sharciga iyo habraacyada ciidamada ammaanka. Waxa kale oo ay caddeysay in tallaabooyin adag oo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo ku lug yeelata falal ka dhan ah amniga, iyadoo ku adkaysatay inaan loo dulqaadan doonin koox ama shaqsi kasta oo halis geliya xasilloonida deegaannadeeda.
Xiisadda ka taagan Gaalkacyo ayaa kusoo beegmaysa xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee muddada dheer u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland. Khilaafkaas oo soo jiitamayay sanado badan ayaa salka ku haya arrimo ay ka mid yihiin nidaamka federaalka, wax ka beddelka dastuurka, doorashooyinka iyo maamulka arrimaha amniga, waxaana marar badan uu sababay isqabqabsi siyaasadeed iyo mid amni.
Illaa iyo hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan soo saarin war rasmi ah oo ay kaga hadleyso dagaalkan iyo eedeymaha ay Puntland soo jeedisay, iyadoo xaaladda Gaalkacyo ay weli tahay mid kacsan, lagana cabsi qabo in iska horimaadyadu sii socdaan haddii aan xal siyaasadeed laga gaarin khilaafka u dhexeeya labada dhinac.




