ISTANBUL — Masar ayaa laga yaabaa inay ku biirto Heshiiska Difaaca Wadajirka ah ee Makka, kaas oo ay dhawaan kala saxiixdeen Sacuudiga, Turkiga iyo Pakistan, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan. Fidan ayaa sheegay in Masar ay si dabiici ah ula jaanqaadi karto qaab-dhismeedka cusub ee amniga gobolka, isla markaana ay jiraan arrimo farsamo oo kooban oo u baahan in la dhammaystiro ka hor inta aysan si rasmi ah ugu biirin heshiiska.
“Waxaan aaminsanahay in marxaladda xigta ay Masar sidoo kale nala joogi doonto isbahaysiga. Hore ayaan u dhaqmaynay annagoo isku arkayna inaan nahay xubno isbahaysi,” ayuu yiri Fidan. Wuxuu intaas ku daray: “Waxaa jira arrimo farsamo oo kooban. Marka la hirgeliyo, ma jirto sabab ay Masar uga mid noqon weydo.”
Fidan ayaa Masar ku tilmaamay “saaxiib dabiici ah oo laga wada shaqeeyo dhammaan arrimaha,” isagoo sheegay in dalkaasi uu si weyn ula jaanqaadi karo nidaamka cusub ee iskaashiga amni ee gobolka. Heshiiska ay kala saxiixdeen Sacuudiga, Turkiga iyo Pakistan ayaa dhigaya in weerar hubaysan oo lagu qaado mid ka mid ah saddexda dal loo aqoonsan doono weerar lagu qaaday dhammaantood. Fidan ayaa heshiiska ku tilmaamay mid dhinaca farsamada la mid ah Qodobka 5-aad ee NATO, kaas oo dhigaya mabda’a difaaca wadajirka ah.
Wasiirka ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in heshiisku yahay mid ujeeddadiisu tahay difaac oo keliya, isagoo sheegay: “Ma jiro khatar wadajir ah oo aan qoraal ku xusnay.” Waxa uu intaas raaciyay in Iran aysan ku jirin bartilmaameedka heshiiskan.
Haddii Masar ay ku biirto, waxay noqon kartaa tallaabo muhiim ah oo lagu ballaarinayo iskaashiga amni ee u dhexeeya dalalka gobolka, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha Bariga Dhexe iyo walaaca laga qabo amniga marin-biyoodka muhiimka ah ee Badda Cas. Fidan ayaa sidoo kale sheegay in heshiiska aan lagu koobi doonin saddexda dal ee hadda saxiixay, isagoo tilmaamay in aragtida Turkiga ay tahay in la ballaariyo isbahaysiga, islamarkaana dalal kale oo gobolka ah lagu soo daro.
“Waa inaanan ku koobnaan saddex dal oo kaliya. Waa inaan ballaarannaa, haddii loo baahdana, aan dhammaan dalalka hoos keennaa dalladdan,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga. Sacuudiga ayaa noqonaya xarunta xoghaynta isbahaysiga, waxaana la dhisi doonaa guddi siyaasadeed iyo mid militari oo ay ku jiraan wasiirrada arrimaha dibadda iyo difaaca iyo taliyeyaasha ciidamada ee dalalka xubnaha ka ah.




