Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa weli howl-gallo kala duwan ka wada deegaano hoos yimaado degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.
Howl-galladaan ayaa u jeedkooda waxa uu yahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa waddooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaado degmadaasi.
Sidoo kale waxa howl-gal kale uu ka socdaa wadada laamiga ah ee ka timaado magaalada Muqdisho, si loo xaqiijiyo amniga dadka iyo gaadiidka isaga kala goosha halkaasi.
Saraakiisha hoggaamineysa howl-galladan ayaa waxa ay sheegeen inay ka go’an tahay in dhammaan deegaanadaas laga saaro dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab.
Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaanada HirShabelle.