Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan gaar ah la qaatay guddiga doorashooyinka

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay xubno ka tirsan ka tirsan Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT).

Guddiga doorashooyinka ee uu la kulmay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Warbixin ka siiyay Halka ay marayaan howlaha Doorashada, iyagoo sidoo kale usoo jeediyey codsiyo la xiriira fududeynta Howlaha Doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa guddiga Doorashooyinka uga jawaabay Codsiyadooda waxaana la isla gartay in ay muhiim tahay habsami u socodka Doorashooyinka Dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here