Muqdisho – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa xafiiskiisa kulan is-xogwareysi ah kula yeeshay hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), kaas oo ay kaga wada hadleen xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan amniga, siyaasadda iyo dib-u-heshiisiinta deegaannada Koonfur Galbeed.
Kulankan ayaa ku soo aadaya xilli ay sii xoogaysanayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo ciidamo taabacsan madaxweynihii hore ee maamulkaas, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ay ku wajahan yihiin magaalada Baydhabo. sidoo kale ciidamada taabacsan Laftagareen ay la wareegeen degmooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka Bay, arrintaas oo sii kordhinaysa walaaca laga qabo xaaladda amni iyo jihada ay u socoto xiisadda siyaasadeed ee maamulka.
Dhanka kale, Sheekh Aadan Madoobe ayaa wajahaya xaalad siyaasadeed oo cakiran, iyadoo ay jiraan cadaadisyo la xiriira hoggaankiisa iyo isbeddellada ka socda deegaannada Koonfur Galbeed. Xaaladdan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan qorshihiisa ku aaddan ku laabashada magaalada Baydhabo, oo ah xarunta maamulka.
Kulanka dhexmaray Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Sheekh Aadan Madoobe ayaa imanaya xilli loo baahan yahay dadaallo siyaasadeed oo lagu wajahayo xiisadda, lagana hortagayo in khilaafaadka jira ay isu beddelaan iska horimaad hubeysan oo saameeya shacabka iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed.




