Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee OIC

0

Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cali (Abdisalam Ali), ayaa ka qaybgalaya furitaanka kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

 

Kalfadhigan ayaa diiradda lagu saarayaa wada-hadalka iyo midnimada oo saldhig u ah xaqiijinta nabadda, amniga iyo horumar waara. Ajandaha kulanka waxaa mudnaan gaar ah lagu siinayaa qaddiyadda Falastiin iyo xiisadaha ka jira gobolka.

Ka qaybgalka Soomaaliya ayaa qayb ka ah dadaallada diblomaasiyadeed ee dalka iyo doorkiisa ku aaddan xoojinta iskaashiga dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka, iyo ka wada-shaqaynta arrimaha khuseeya nabadda, amniga iyo danaha guud ee dalalka Muslimka ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale dowladda Ciraaq ugu hambalyaysay la wareegidda madaxtinnimada Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee OIC, iyadoo muujisay taageeradeeda ku aaddan dadaallada lagu xoojinayo midnimada iyo iskaashiga dalalka xubnaha ka ah ururka.May be an image of one or more people, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here