MUQDISHO, Soomaaliya — Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Muqdisho kulan kula yeeshay safiirka Britain u fadhiya Soomaaliya, Charles King, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray taageerada dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, xasilloonida, dowlad-dhiska iyo horumarinta adeegyada bulshada ee deegaannada Koonfur Galbeed.
Aadan Madoobe ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga saaxiibbada caalamiga ah si loo dardargeliyo horumarka, loo xoojiyo hay’adaha dowladda, loona hagaajiyo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.
Kulanka ayaa qayb ka ah dadaallada maamulka Koonfur Galbeed uu ku xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo wada-shaqeynta uu la leeyahay saaxiibbada caalamka, iyadoo la doonayo in la horumariyo nabadda, dib-u-heshiisiinta, dowlad-wanaagga iyo horumar waara.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qaybgalay wasiirka tamarta ee Koonfur Galbeed, wasiir ku-xigeenka amniga iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada maamulka.



