MUQDISHO – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay madal lagu soo bandhigay natiijooyinka qiimeynta daah-furnaanta Miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya ee sannadka 2025, taas oo ay soo saartay hay’adda caalamiga ah ee International Budget Partnership (IBP).
Qiimeyntan ayaa lagu eegay heerka daah-furnaanta, ka-qaybgalka dadweynaha iyo kormeerka miisaaniyadda dowladda, iyadoo Soomaaliya ay heshay dhibco kala duwan oo muujinaya xaaladda nidaamka maamulka maaliyadda dalka. Natiijooyinka qiimeynta ayaa muujiyay in Soomaaliya ay heshay 39 dhibcood 100-kii dhibcood ee daah-furnaanta miisaaniyadda (Budget Transparency).
Sidoo kale, dhinaca ka-qaybgalka dadweynaha (Public Participation), Soomaaliya waxay heshay 19 dhibcood 100-kii dhibcood, taas oo muujinaysa baahida loo qabo in la ballaariyo fursadaha ay shacabka kaga qeybqaadan karaan diyaarinta iyo go’aan ka gaarista miisaaniyadda dowladda.
Dhanka kormeerka miisaaniyadda (Budget Oversight), oo lagu qiimeeyay doorka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Hanti-dhowrka Guud, dalka ayaa helay 37 dhibcood 100-kii dhibcood. Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegtay inay ka go’an tahay sii xoojinta daah-furnaanta, isla-xisaabtanka iyo hufnaanta maamulka maaliyadda dalka, iyadoo la tixgelinayo talooyinka ku xusan warbixinta qiimeynta.
Wasaaraddu waxay sidoo kale qorsheyneysaa ballaarinta wadatashiyada dadweynaha ee heerarka kala duwan ee diyaarinta, dib-u-eegista iyo ansixinta miisaaniyadda dowladda, si bulshada ay door muuqda ugu yeelato hannaanka maaliyadeed.




