MUQDISHO – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cali, ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Wasiirka Caafimaadka Jamhuuriyadda Indonesia, Budi Gunadi Sadikin, oo booqasho shaqo ku jooga Soomaaliya.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Danjiraha Dowladda Indonesia u fadhiya dalka Kenya, ahna Danjiraha aan degganayn ee u qaabilsan Soomaaliya, Witjaksono Adji. Labada wasiir ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta iyo ballaarinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinaca caafimaadka iyo fursadaha lagu horumarin karo wada-shaqeynta hay’adaha caafimaadka ee Soomaaliya iyo Indonesia.
Wasiirka Caafimaadka Indonesia, Budi Gunadi Sadikin, iyo Danjire Witjaksono Adji ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada dowladda Indonesia ee madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Indonesia, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay ballaarinta iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada kala duwan.




