Aadan Madoobe oo wada-hadal la yeeshay safiirka Jaamacadda Carabta

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta  kulan la qaatay Safiirka Jaamacada carabta u fadhiya  Soomaaliya Amb. Salah Elguneid.

Danjiraha oo Guddoomiyaha ugu mahadceliyey soo dhoweynta loo samaayey ayaa xusay in Baarlamaanka JFS  kaalin muuqato uu ku yeesho Jaamacada carabta.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa  Jamaacada carabta ku amaanay in doorka muhiimka ah ay ku leedahay iskaashiga dhanka horumarada iyo tayeynta howl-wadeenadda Golaha Shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here