Ciidamada dowladda oo howlgal ku dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

0

XUDUR (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab oo ay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ka sameeyeen gobolka Bakool.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab oo ku yaalla deegaanka Ceel-Cuni oo hoostaga degmada Tiyeeglow.

Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ee horkaceysay howlgalka ayaa sheegay inay dileen ugu yaraan illaa 11 xubnood oo uu ku jiro sarkaal ka tirsanaa Xarakada Al-Shabaab.

Magaca sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu sheegay Maxamuud Nuur Gacal oo magaciisa afgarashadu yahay (Sheekh Al-Sima), wuxuuna Al-Shabaab u qaabilsanaa Baay & Bakool.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa inay weli dhaq-dhaqaaqyo ay ka socdaan qaybo ka mid ah gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here