Jowhar – Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa shir-guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle, kaas oo looga hadlay arrimo muhiim u ah amniga, dhaqaalaha, doorashooyinka iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Ugu horreyn, Wasaaradda Amniga ayaa Golaha la wadaagtay warbixin ku saabsan xaaladda guud ee amniga deegaannada Hirshabeelle iyo qorsheyaasha lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa Golaha Wasiirrada u soo gudbisay soo jeedinta miisaaniyad-sanadeedka dowladda ee 2027-ka.
Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa warbixinno ka dhageystay Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Gargaarka, Beeraha, Caafimaadka, Biyaha iyo Qorsheynta. Warbixinnada ayaa diiradda lagu saaray doorashooyinkii ka dhacay degmooyinka Hirshabeelle, xaaladaha fatahaadaha iyo El Niño, qorsheyaasha looga hortagayo saameyntooda, iyo halka uu marayo mashruuca JOSP ee dhismaha biyo-xireenka Sabuun.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ka warbixisay doorashooyinkii qabsoomay iyo doorka maamullada gobollada iyo degmooyinka, halka Wasaaradda Gargaarku ay faahfaahin ka bixisay xaaladaha bani’aadannimo iyo qorsheyaasha wax looga qabanayo saameynta fatahaadaha iyo El Niño.
Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle ayaa Golaha Wasiirrada ku bogaadiyey doorkii ay ka qaateen qabsoomidda doorashooyinkii qof iyo codka ahaa ee ka dhacay degmooyinka Hirshabeelle, iyo doorashadii hoggaanka Dowladda Hirshabeelle.
Ugu dambayn, Golaha Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle ayaa ansixiyey miisaaniyad-sanadeedka dowladda ee 2027-ka, taas oo dhan $47,451,492.17.




