Dhuusamareeb – Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb, ayaa caawa kulamo kala duwan la yeeshay qeybaha bulshada ee caasimadda Galmudug.
Kulamada ayaa waxaa ka qeybgalay siyaasiyiin, odayaasha dhaqanka, ganacsatada, haweenka iyo dhallinyarada magaalada, iyadoo looga hadlay arrimo la xiriira xaaladda bulshada iyo dowlad-dhiska Galmudug.
Kulamada oo ay soo qabanqaabiyeen Guddoomiye Xuseen Cirfo, qaar ka mid ah ganacsatada iyo siyaasiyiinta deegaanka, ayaa si gaar ah looga wada hadlay doorka bulshada Dhuusamareeb ay ka qaadan karto dhismaha dowlad goboleedka Galmudug.
Sidoo kale, kulamada ayaa diiradda lagu saaray nabadda iyo dib-u-heshiisiinta bulshada reer Galmudug, iyadoo dhinacyadu ay is-dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan sidii loo sii xoojin lahaa dadaallada nabadeed.
Qaybaha bulshada ee Dhuusamareeb ayaa Agaasime Mahad Maxamed Salaad uga mahadceliyay, kuna bogaadiyay doorkiisa ku aaddan dadaallada nabadeynta iyo soo afjaridda colaaddii sokeeye ee ka jirtay aagga degmada Balanballe.
Waxay sidoo kale ka codsadeen Agaasimaha NISA in la sii wado dadaallada dib-u-heshiisiinta, iyagoo ballanqaaday inay door ka qaadan doonaan martigelinta kulamada iyo dadaallada dib-u-heshiisiinta. Bulshada ayaa sheegtay inay diyaar u yihiin inay ka qeybqaataan dadaallada lagu doonayo in nabad waarta iyo xasillooni laga hirgeliyo dhammaan deegaannada Galmudug.





