Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ka Qaybgalaya Madasha Al-Calamayn Afrika Forum

0

Al-Calamayn, Masar – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, halkaas oo uu kaga qaybgalayo Madasha Al-Calamayn Afrika Forum.

 

Madasha ayaa diiradda lagu saaraya xoojinta iskaashiga dhaqaale, dhiirrigelinta maalgashiga iyo dardargelinta horumarka qaaradda Afrika, iyadoo madaxda iyo wakiillada dalalka Afrika ay ka wada hadlayaan fursadaha maalgashi, kobcinta ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaale ee qaaradda.

Ka qaybgalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Shir Madaxeedka Ganacsiga Afrika ayaa fursad u ah Soomaaliya inay ku soo bandhigto fursadaha maalgashi iyo awoodda dhaqaale ee dalka, isla markaana ay xoojiso xiriirka iyo iskaashiga dhaqaale ee ay la leedahay dalalka Afrika.

Inta uu ku sugan yahay magaalada Al-Calamayn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulamo doceedyo la yeelanaya madaxda dalka Masar iyo madaxda kale ee ka qaybgalaysa shirka. Kulamada ayaa looga wada hadli doonaa xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Masar, iyo sidoo kale iskaashiga labada dal ee dhinacyada ay wadaagaan.May be an image of aircraft and textMay be an image of aircraft and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here