Muqdisho — Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qabatay kulan wadatashi ah oo ku saabsan badbaadada waddooyinka iyo maareynta saxmada, kaas oo lagu qabtay xarunta dhexe ee Wasaaradda ee degmada Shingaani.
Kulankan muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray horumarinta nidaamka gaadiidka, badqabka waddooyinka, iyo xal u helidda ciriiriga gaadiidka ee ka jira magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka.
Kulanka waxaa si rasmi ah u daah-furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Cumar Cali Afrax, waxaana ka qeyb galay agaasime waaxeedyada, lataliyayaasha Wasaaradda, iyo wakiillo ka socday Wasaaradaha Caafimaadka, Howlaha Guud, Amniga Gudaha, Arrimaha Gudaha, hay’adaha taraafikada, iyo shirkadda Hornvista.
Intii uu kulanku socday, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray soo bandhigista wax ka beddelka lagu sameynayo sharciga waddo marista (Traffic Law Amendment), si loo helo nidaam casri ah oo la jaanqaadaya baahiyaha maanta jira.
Wasaaradda Gaadiidka ayaa soo bandhigtay aragti istiraatiiji ah oo ku dhisan saddex qodob oo waaweyn: dejinta sharci iyo nidaam cad oo si degdeg ah loo dhaqan gelin karo, xoojinta isku-duwidda hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya badqabka waddooyinka, iyo kordhinta wacyigelinta bulshada si loo abuuro mas’uuliyad guud oo ku saabsan isticmaalka waddooyinka.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu iftiimiyay xiriirka dhow ee ka dhexeeya badbaadada waddooyinka iyo horumarka guud ee dalka, iyadoo la xusay in yareynta shilalka iyo hagaajinta nidaamka gaadiidka ay door weyn ka ciyaaraan kobaca dhaqaalaha iyo badbaadada bulshada.
Ugu dambeyn, kulankan wadatashiga ah ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo nidaam hufan oo badqabka waddooyinka ah, laguna yareynayo saxmada, si loo helo gaadiid ammaan ah oo waxtar u leh bulshada Soomaaliyeed.





