Ahlu Sunna oo shaacisay ujeedka ay ka leedahay Galmudug

0

GURICEEL (SMN) – Hoggaamiyaha Ahlu Sunna Wal Jamaaca, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo wareysi gaar ah siiyay Idaacada BBC-da ayaa faah faahin ka bixiyey xiisadda kala dhexeysa Galmudug ee haatan ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

Sheekh Shaakir ayaa sheegay in Galmudug meeshii ay la dagaallami laheyd Al-Shabaab ay soo weerareen Alhu Sunna Waljamaaca, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ujeedkooda ugu weyn ee ay u joogaan Galgaduud uu yahay la dagaallanka Al-Shabaab iyo in la hagaajiyo wixii ka khaldan sida uu sheegay Galmudug.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo shalay ciidamo taabacsan Ahlu Sunna ay la wareegeen gacan ku heynta magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here