Akhriso: Warbixinta todobaadlaha ee dowladda federaalka Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – 1-Madaxweynahe Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay in xadgudubka Ethiopia ee badda Soomaaliya aan la aqbali karin, isla markaana aysan Soomaaliya diyaar u ahayn wadahadal ilaa iyo xukuumadda Addis Ababa ka laabato is afgaradka sharci daradda ah ee ay la gashay gobolka Somaliland ee Soomaaliya.

 

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kooxda kubadda cagta ee Galmudug guddoonsiiyay koobka tartanka dowlad goboleedyada ee dhowaan Muqdisho lagu soo gabagabeeyay.

3-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulan la yeeshay Taliyeyaasha Ciidanka qalabka sida ayaa kala hadlay dagaalka khawaarijta iyo ka hortagga dambiyada abaabulan ee ka dhanka rayidka.

4-Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyay shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay arrimaha amniga, qorshaha la dagaallanka Khawaarijta iyo ka mira dhalinta siyaasadda loo dhan-yahay.

5-Ra’iisul Wasaare Ku-Xgeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Ku-Xigeenka Madaxweynaha Bangiga Adduunka u qaabilsan Horumarinta Karaanka Aadanaha, Marwo Mamta Murithi.

6-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay kulanka siyaasadda loo dhan yahay ee u dhexeeya xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo saaxibbada caalamiga ah ee Soomaaliya.

7-Ku-Simaha Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Maxamed Cali Xagaa ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba aqbali karin xadgudubka qaranimada Soomaaliya ee ay Ethiopia ku dhaqaaqdey.

8-Kulamo isdabajoog ah oo looga soo horjeedo xadgudubka Ethiopia ee qaranimada Soomaaliya oo weli ka socda dalka gudihiisa iyo dibeddiisa.

9-Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Britain ayaa magaalada London ku qabtey qabtay mudaharaad ay ku diiddan yihiin xadgudubka Ethiopia ee qaranimada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here