Al-Shabaab iyo ciidamada Itoobiya oo ku dagaalamay degmada Diinsoor

0

DIINSOOR (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyay Al-Shabaab iyo ciidamada Itoobiya oo maanta ka dhacay duleedka degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

 

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay xoogaga Al-Shabaab weerar culus ku qaadeen saldhig ay ciidamadaas oo qayb ka ah kuwa ATMIS ay ku leeyihiin halkaasi.

Saraakiil ka tirsan kuwa Koonfur Galbeed oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in la fashiliyay weerarka Al-Shabaab, isla-markaana khasaare culus la gaarsiiyay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada ATMIS ay qarxiyeen miinooyin ay Al-Shabaab ku aaseen dhabaha ay isticmaalaan ciidamada ATIMIS iyo kuwa dowladda.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada huwanta ay weli howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wadaan duleedka Diinsoor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here