Ciidamada ATMIS oo dad shacab ah ku xir-xiray gobolka Shabeelaha Hoose

0

AFGOOYE (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada ATIMIS ay howlgallo qorsheysan ka sameeyeen gobolkaasi.

 

Howlgallada ayaa waxaa si gaar ah u fuliyay ciidamada Uganda iyo kuwa Burundi, kuwaas oo gudaha u galay degaanka Golweyn ee gobolkaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in ciidamada ATMIS ay horay u sii kaxeysteen dad shacab ah oo ku sugnaa deegaanka, kuwaas oo lagu xiray Marka.

Qaar kamid ah dadka degaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa walaac ka muujiyay tallaabada ay qaadeen ciidamada ATMIS iyo dadka shacabka ah ee ay xir-xireen.

Holwgalkan ayaa daba socda weerarkii ay maalmo kahor Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ay ciidamada Uganda ku leeyihiin magaalada Buulo-Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here