Al-Shabaab oo isaga baxay deegaano ku yaalla koonfurta gobolka Mudug

0

GAALKACYO (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay Al-Shabaab ay faarujiyeen fariisimo ay ku lahaayeen koonfurta gobolkaasi oo hoostaga Galmudug.

 

Xubnaha Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa inay isaga baxeen deegaamada Dumaaye iyo Dabagale, halkaas oo ay ku lahaayeen saldhigyo milatari oo ay kasoo abaabuli jireen weerarada qorsheysan.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa xabsiyada kasii daayay maxaabiis fara badan oo ay u haysteen madax furasho, kadib markii soo wajahday cabsi ka xiriirta howlgallada ka socda halkaasi.

Dhanka kale ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa xalay ku hoyday deegaanka Bajeela ee koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo ay kusoo bandhigeen 6 kamid ah maxaabiistii ay haysteen Al-Shabaab oo isugu jiro carruur iyo dad da’ ah, waxaana dadkaasi Al-Shabaab ay 2021-kii ka afduubteen miyiga degmada Wisiil ee gobolka Mudug.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qayb kamid ah koonfurta gobolka Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here