Saciid Deni oo ku dhawaaqay in Puntland ay ku noqoneyso doorasho dadban

0

GAROOWE (SMN) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa ku dhawaaqay xalay in Puntland ay aadayso nidaamkii doorasho ee ay kusoo dhaqmaysay 25-kii sano ay jirtay.

 

Saciid Deni oo hadal kooban ka jeediyay Xarunta Madaxtooyada ayaa shaaciyay in doorashada lagu qabanayo 8 jannaayo 2024 laguna galayo nidaamkii hore ee 66 ee lagu doortay isaga.

“Waxaan rabaa anoo u turaya Mustaqbalka Puntland in aan halkaan uga dhawaaqo in doorashadu ku dhacdo 8 Jan lagu doorto nidaamkii qabaliga ahaa ee 66 xildhibaan” ayuu yiri Siciid Deni.

Hadalkaan ayaa imaanaya iyadoo bilihii lasoo dhaafay uu Puntland hareeyay khilaafka dhashay nidaamka doorasho ee Puntland, kasoo u dhexeeyay mucaardka iyo xukuumadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here