XAWAADLEY – Kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay diyaarad qumman (helicopter) oo ku degatay meel u dhow deegaannadooda ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib cilad farsamo oo ku timid xilli ay ciidamo Burundian ah oo ka tirsan howlgalka AUSSOM ka daadgureynayeen tuulada Hawaadley.
Diyaaradda ayaa waday askar Burundian ah oo laga daadgureynayay Hawadley, tuulo ay ka baxeen ciidamada AUSSOM sababo la xiriira fatahaado culus. Sida ay sheegtay AUSSOM, diyaarada ayaa cilad farsamo la kulantay Isniintii, taasoo ku qasabtay duuliyeyaasha inay si degdeg ah ugu dejiyaan meel u dhow dhul ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.
Dhamaan dadkii saarnaa diyaarada ayaa si nabad ah uga degay goobta, waxaana markii dambe loo wareejiyay saldhig ciidan oo u dhow. Si kastaba, diyaaraddii ayaa halkaas lagu dayacay, taasoo keentay in ay gacanta u gasho dagaalyahanada Al-Shabaab.
Mas’uuliyiinta deegaanka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dib ugu soo laabteen Hawadley kadib bixitaankii ciidamada AUSSOM. Tuuladan ayaa ku taalla meel muhiim ah oo ay kooxda Al-Shabaab horey ugu lahayd joogitaan xooggan, gaar ahaan agagaarka Jowhar, caasimadda Hirshabeelle.
Kareem Adebayo, wakiilka ku-meel-gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ayaa ammaanay sida degdegga ah ee ciidanka Burundiga uga jawaabeen xaaladda, isagoo xusay in taageeradoodu ay sii socon doonto.
Dhacdadan ayaa iftiimisay nuglaanta amniga ee gobolka Shabeellaha Dhexe iyo caqabadaha ay wajahayaan dowladda Soomaaliya iyo AUSSOM, kuwaasoo ku jira dadaal ay ku difaacayaan goobo istiraatiiji ah xilli ay la tacaalayaan dhibaatooyin dabiici ah iyo hanjabaado Al-Shabaab.




