Al-Shabaab oo weerar khasaare geystay ka fulisay duleedka magaalada Mandera

0

Askar ka tirsanaa ciidamada ilaalada xuduuda ee Kenya ayaa la dilay, halka labo kalena la dhaawacay, kadib markii ragg looga shakiyey inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaan ka tirsan magaalada Mandera.

Rono Bunay oo taliyaha Booliiska ee gobolka Waqooyi Bari aya sheegay in weerarka uu ka dhacay goobta dhismaha darbiga ay Kenya ka wado xadka Soomaaliya, halkaas oo Al-Shabaab ay sidoo kale ku gubeen labo ka mid ah gaadiidka dhismaha.

Sidoo kale taliyaha ayaa intaasi ku daray in ciidamada ilaalada Booliska ay isku dayeen in ay la dagaalamaan raggii weerarka qaaday oo ka gudbay xuduudka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Weerarada Al-Shabaab ayaa labadii todobaad ee la soo dhaafay ku soo badanayey deegaanada hoos-yimaada maamulka Mandera, waxaana muddadaasi la dilay illaa 15 ruux, halka tiro kalena lagu dhaawacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here