Al-Shabaab oo weerar ku qaaday xerada ATMIS ee magaalada Buulomareer

0

AFGOOYE (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay weerar ku qaaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, kaas oo dhacay xalay, sida ay shaaciyeen saraakiisha laamaha amniga.

 

Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo dhex-maray ciidamada Uganda oo degan saldhigga la weeraray iyo Al-Shabaab, kaas oo qaatay saacad ka badan.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna tilmaamtay in khasaare culus ay gaarsiisay ciidamada ATMIS ee deganaa saldhiggaasi.

Dhinaca kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda Soomaaliya iyo taliska ATMIS oo ku aadan weerarka Al-Shabaab ee ka dhacay gobolka Shabeellada hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here