MUQDISHO – Alle ha u naxariistee, Madaxweynihii ugu horreeyay ee maamulka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa xalay ku geeriyooday dalka Masar. Marxuumka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay lagu dabiibayay isbitaal ku yaalla dalka Masar, sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan ehelkiisa iyo siyaasiyiin. Waxa uu geeriyooday kaddib xanuun maalmo hayay.
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen, iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuumka, iyagoo Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, ehelkiisa, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeedna uu samir iyo iimaan ka siiyo.
Marxuum Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ku dhashay magaalada Muqdisho 15-kii Juun 1961-kii, wuxuuna geeriyooday isagoo 65 jir ah. Waxbarashadiisa ayuu ku qaatay dalka Mareykanka, halkaas oo uu kaga baxay Jaamacadda Sam Houston State University.
Intii uu ku guda jiray noloshiisa shaqo, Cosoble wuxuu la soo shaqeeyay hay’ado kala duwan iyo Bangiga Horumarinta Soomaaliyeed. Waxa uu sidoo kale ka tirsanaa hay’adda Oxfam, isagoo kala soo shaqeeyay howlo la xiriira arrimaha bulshada iyo horumarinta deegaannada Beledweyne iyo Nairobi.
Dhanka siyaasadda, wuxuu ka mid ahaa xildhibaannadii Baarlamaankii Kumeelgaarka ahaa ee Soomaaliya intii u dhexeysay 2004 ilaa 2012, waxaana sanadkii 2005 loo magacaabay Wasiirka Waxbarashada ee dowladda federaalka.
Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa taariikhda siyaasadda Soomaaliya kaga jira kaalinta Madaxweynihii ugu horreeyay ee maamulka Hirshabeelle, isagoo xilkaas loo doortay 17-kii Oktoobar 2016-kii, xilli uu ka mid ahaa siyaasiyiintii aas-aasay maamulkaas.
Geeridiisa ayaa timid xilli uu dalka ka maqnaa, waxaana uu ka mid ahaa siyaasiyiintii door muuqda ku lahaa dhismaha iyo aas-aaska maamulka Hirshabeelle.
Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.




