Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday shirkadda SONATRACH ee dalka Aljeeriya, oo ku takhasustay soo saarista shidaalka iyo gaaska.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shirkadda SONATRACH, gaar ahaan mashaariicda wadajirka ah ee la xiriira shidaalka iyo khayraadka dabiiciga ah ee dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay wafdiga shirkadda SONATRACH, isagoo muujiyay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay iskaashi la yeelato shirkadaha caalamiga ah ee khibradda u leh soo saarista iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale adkeeyay sida ay Dowladda Federaalka uga go’an tahay horumarinta iyo ka faa’iideysiga khayraadka dabiiciga ah ee dalka, si ay door muuqda uga qaataan kobaca dhaqaalaha, abuurista fursadaha shaqo iyo horumarka guud ee Soomaaliya.
Shirkadda SONATRACH ayaa ka mid ah shirkadaha waaweyn ee caalamka ee ka shaqeeya sahminta, soo saarista iyo ka ganacsiga shidaalka iyo gaaska, waxaana kulankani uu muujinayaa dadaallada Soomaaliya ay ku doonayso inay soo jiidato maalgashi iyo iskaashi caalami ah oo ku saabsan khayraadkeeda dabiiciga ah.




