Muqdish – Dr. Maryama Mohamed Hussein, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka, ahna ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka qayb gashay munaasabad lagu daah-furayay barnaamijka Executive Master of Public Administration (EMPA), kaas oo ka dhacay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
Barnaamijkan ayaa leh laba takhasus oo kala ah Maamulka Caafimaadka iyo Maamulka Caddaaladda. Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, xubno ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, agaasimayaal ka tirsan hay’adaha dowladda, Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.
Barnaamijkan ayaa qayb ka ah mashaariicda iskaashiga Soomaaliya iyo Talyaaniga ee PAIS-FUS (2025–2028), waxaana loogu talagalay in lagu xoojiyo xirfadaha maamulka iyo hoggaaminta saraakiisha dowladda. Dufcadda koowaad waxaa ka faa’iidaysanaya 70 sarkaal oo ka kala socda hay’adaha kala duwan ee dowladda.
Mashruuca waxaa maalgelisay Hay’adda Iskaashiga Horumarinta ee Talyaaniga (AICS), waxaana fulin doonta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, iyadoo kaashanaysa Jaamacadda Palermo iyo Mu’assasadda Tor Vergata, si kor loogu qaado tayada iyo hufnaanta adeegyada dadweynaha.
Takhasuska Maamulka Caafimaadka ee barnaamijkan ayaa qayb ka ah dadaallada ay Wasaaradda Caafimaadka iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ugu jiraan kor u qaadista tayada adeegyada caafimaadka dalka. Takhasuskan ayaa saraakiisha ka shaqeeya qaybta caafimaadka siinaya aqoon iyo xirfado ay ku hoggaamiyaan kuna maareeyaan nidaamka caafimaadka si hufan oo waxtar leh.
Xirfadaha la baranayo waxaa ka mid ah qorshaynta, maamulka khayraadka, la-xisaabtanka iyo go’aan qaadashada ku salaysan xogta. Ujeeddadu waa in la xoojiyo awoodda hay’adaha caafimaadka dalka, si muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u helaan adeeg caafimaad oo tayo leh, la heli karo, lana isku hallayn karo.
Dr. Maryama Mohamed Hussein ayaa ugu horreyn u mahadcelisay Dowladda Talyaaniga iyo Hay’adda AICS taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin bulshada Soomaaliyeed. Waxay sidoo kale bogaadisay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo jaamacadaha la shaqeeya dadaalka ay geliyeen hirgelinta barnaamijkan.
Waxay saraakiisha ka faa’iidaysanaysa barnaamijka ugu baaqday inay si buuxda uga faa’iidaystaan fursaddan waxbarasho, aqoonta iyo xirfadaha ay bartaan ugu adeegaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Maryama Mohamed Hussein, ayaa sidoo kale sheegtay in barnaamijkani yahay tallaabo muhiim u ah dhisidda hoggaan aqoon leh oo maamula hay’adaha dowladda, gaar ahaan dhinaca caafimaadka.
Waxay xustay in nidaam caafimaad oo xooggan uu ku dhismo maamul wanaagsan iyo hoggaan xirfad leh, iyadoo tilmaantay in takhasuska Maamulka Caafimaadka uu saraakiisha siin doono aqoonta iyo xirfadaha ay ugu baahan yihiin inay si hufan u maareeyaan adeegyada caafimaadka, una gaarsiiyaan bulshada Soomaaliyeed adeeg caafimaad oo tayo leh.




