Aqalka Sare oo Ansixiyey Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada

0

Muqdisho – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa shir-guddoomiyey kulanka 10-aad ee kalfadhiga 8-aad ee Golaha Aqalka Sare, kaas oo lagu ansixiyey Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada, laguna akhriyey hindise-sharciyeedyada Iskaashiga Garsoorka iyo Dhismaha Hay’adda Qaran ee Maaraynta Deegaanka.

 

Ugu horreyn, Sanatarrada Aqalka Sare ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada, kaddib markii Xoghayaha Guddiga Khayraadka Qaranka ee Aqalka Sare, Sanatar Samsam Daahir Maxamuud, ay Golaha la wadaagtay warbixinta akhrinta saddexaad ee hindise-sharciyeedka, isla markaana ay ka codsatay mudanayaasha inay meel-mariyaan. Cod loo qaaday hindise-sharciyeedka ayaa waxaa oggolaaday 27 Sanatar, mana jirin cid diidday ama ka aamustay.

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), ayaa uga mahadceliyey Golaha ansixinta hindise-sharciyeedka, isaga oo sheegay inuu Soomaaliya u horseedi doono inay ka qaybqaadato fagaarayaasha caalamiga ah ee looga tashado arrimaha saadaasha hawada.

Intaas kaddib, mudanayaasha Aqalka Sare ayaa akhrinta koowaad marsiiyey Hindise-sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka, kaas oo Golaha ay u soo gudbisay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, oo Golaha ka horjeediyey muhiimadda hindise-sharciyeedkan, ayaa sheegay inuu nidaaminayo iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca garsoorka, gaar ahaan isku wareejinta maxaabiista xukuman iyo dhiibista dembiileyaasha.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in hindise-sharciyeedku saldhig u yahay hirgelinta sharciyo kale oo muhiim u ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa la xiriira iskaashiga garsoorka caalamiga ah, iyadoo la raacayo habraacyada sharci ee khuseeya.

Dhinaca kale, Sanatarrada Aqalka Sare ayaa akhrinta koowaad marsiiyey Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Qaran ee Maaraynta Deegaanka, kaas oo ujeeddadiisu tahay kor u qaadista ilaalinta iyo dhowrista deegaanka.

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa Golaha ka hor akhriyey hindise-sharciyeedkan, isaga oo faahfaahiyey ujeeddooyinkiisa iyo muhiimadda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here