Muqdisho – Machadka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Qaranka (NTTI) ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta daahfuray barnaamij lagu tayeynayo aqoonta dijitaalka ah ee shaqaalaha dowladda, kaas oo ujeeddadiisu tahay kor u qaadista awooddooda adeegsiga tiknoolajiyadda casriga ah.
Barnaamijkan oo uu daahfuray Agaasimaha Machadka, Mudane Maxamed Cabdullaahi, ayaa lagu bilaabay aqoon-is-weydaarsi ku saabsan ilaalinta xogta. Tababarku wuxuu diiradda saarayaa amniga macluumaadka, asturnaanta xogta iyo ka hortagga khataraha dijitaalka ah ee saameyn kara shaqada hay’adaha dowladda.
Tababarradan ayaa la filayaa inay shaqaalaha dowladda ka caawiyaan horumarinta xirfadahooda shaqo, ilaalinta xogta xasaasiga ah iyo adeegsiga nidaamyada dijitaalka ah si hufan oo mas’uuliyad leh.
Barnaamijkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu casriyeynayo adeegyada dowladda, iyadoo la xoojinayo aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha si ay ula jaanqaadaan isbeddellada tiknoolajiyadda iyo baahiyaha adeegyada casriga ah.
Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ayaa xoogga saaraysa xoojinta doorka Machadka NTTI, si uu u ballaariyo tababarrada shaqaalaha dowladda, korna loogu qaado awoodda hay’adaha dowladda ee adeegsiga tiknoolajiyadda casriga ah iyo ilaalinta xogta.




