Muqdisho – Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde, ayaa maanta si rasmi ah u furay kulan looga hadlayay dib-u-eegista Xeer-hoosaadka Aqalka Sare.
Kulanka oo ay ka qeyb galeen xubnaha Guddiga Xeer-hoosaadka Aqalka Sare ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista iyo waafajinta xeer-hoosaadka Golaha, si uu ula jaanqaado Dastuurka cusub ee 2026, kaas oo ay hore u ansixiyeen labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Dib-u-eegista ayaa ujeeddadeedu tahay in la casriyeeyo habraacyada iyo nidaamka shaqo ee Aqalka Sare, lana xoojiyo hufnaanta, isla xisaabtanka iyo habsami-u-socodka howlaha Golaha. Sidoo kale, kulanka ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xaqiijinayo in Xeer-hoosaadka Aqalka Sare uu waafaqsan yahay qodobbada Dastuurka cusub, si loo helo hannaan sharciyeed oo hagaya habka ay u shaqeynayaan xubnaha iyo guddiyada Aqalka Sare.





