Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulamo amni ka yeeshay xaaladda degmada Baraawe

0

Baraawe – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulamo kala duwan la yeeshay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, saraakiil ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, odayaasha dhaqanka, maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool degmada Baraawe iyo deegaannada ku xeeran.

 

Kulamadan oo dhacay 3-dii November 2026 ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee amniga degmada Baraawe iyo deegaannada hoos yimaada, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay qiimeynta xaaladda amni, xoojinta wada-shaqeynta ciidamada, maamulka iyo bulshada, iyo dardargelinta dadaallada lagu xaqiijinayo nabadgelyada deegaanka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa intii uu kulamadu socdeen dhageystay warbixinno ku saabsan howlaha amniga iyo xaaladaha ka jira deegaannada ku xeeran Baraawe, isagoo saraakiisha iyo ciidamada faray inay si buuxda u gutaan waajibaadkooda qaran, isla markaana sare u qaadaan heeganka iyo diyaar-garowga ciidamada.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa ciidamada ku boorriyay inay xoojiyaan dadaallada ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga hortago weerarrada ay kooxdaasi ka geysan karto deegaannadaas, loona xaqiijiyo amniga shacabka iyo xasilloonida degmada Baraawe.

Kulamadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Taliska Ciidanka Xoogga Dalka uu ku qiimeynayo xaaladaha amni ee deegaannada dalka, kuna xoojinayo wada-shaqeynta ciidamada, maamulka iyo bulshada.May be an image of one or more people

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here