Soomaaliya oo qorsheyneysa dhismaha Guddi Qaran oo qaabilsan hirgelinta Sharciga Caalamiga ah ee Bani’aadannimada

0

Muqdisho – Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa wada qorshe lagu dhisayo Guddi Qaran oo qaabilsan hirgelinta Sharciga Caalamiga ah ee Bani’aadannimada (IHL), kaas oo door ka qaadan doona isku-dubbaridka iyo xaqiijinta ku dhaqanka xeerarka caalamiga ah ee bani’aadannimada.

 

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mubaarik Maxamed Axmed, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo xiray kulan wadatashi heer sare ah oo diiradda lagu saarayay dhismaha guddigan iyo dejinta qaab-dhismeedka uu ku shaqeyn doono. Kulanka waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka socday hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo khubaro ku takhasusay Sharciga Caalamiga ah ee Bani’aadannimada oo ka socday Hay’adda Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC).

Intii uu kulanku socday, waxaa si gaar ah looga hadlay qaab-dhismeedka guddiga, waajibaadka loo xilsaari doono iyo tallaabooyinka lagu dardargelinayo dhismihiisa, si Soomaaliya u yeelato hannaan qaran oo isku dubbarida hirgelinta iyo ilaalinta Sharciga Caalamiga ah ee Bani’aadannimada.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka mid ahayd dalalkii ugu horreeyay ee ku biiray Heshiisyada Geneva xilligii xorriyadda ka dib, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in waajibaadka ka dhashay heshiisyadaas loo sameeyo hannaan sharciyeed iyo mid hay’adeed oo heer qaran ah.

Dhismaha guddigan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo qaab-dhismeedka sharciyeed ee dalka, gaar ahaan hirgelinta xeerarka caalamiga ah ee la xiriira ilaalinta bani’aadannimada.May be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here