Wasiirka Beeraha oo Qaabilay Safiirka Aljeeriya ee Soomaaliya

0

Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa maanta xarunta dhexe ee Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacabka Aljeeriya u fadhiya Soomaaliya.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Aljeeriya ee dhinacyada beeraha, waraabka iyo sugnaanta cuntada, iyadoo laga duulayo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay horumarinta nidaamyada waraabka, maaraynta khayraadka biyaha, cilmi-baarista beeraha, tiknoolajiyadda iyo dhiirrigelinta maalgashiga beeraha.

Wasiirka ayaa Dowladda Aljeeriya uga mahadceliyey taageerada iyo xiriirka saaxiibtinimo ee ay la leedahay Soomaaliya, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga labada dal.May be an image of one or more people, newsroom, dais and textMay be an image of one or more people, dais and newsroom

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here