Aqriso: Muxuu Mareykanka ka yiri khilaafka Farmaajo iyo Rooble?

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horreysay ka hadashay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeyo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

War ka soo baxay xafiiska arrimaha Afrika ee wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa waxaa loogu baaqay labada dhinac inay si nabad ah u xaliyaan khilaafkooda.

“Waxaan ku boorineynaa Farmaajo iyo Rooble inay si nabad ah u xaliyaan khilaafyadooda, ayna si buuxda diiradda u saaraan in doorashooyinka Soomaaliya lasoo geba-gebeeyo ayada oo aan dib loo sii dhigin.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda Mareykanka.

Baaqa ayaa ku soo aadayo, iyada oo meeshii ugu sarreysay ay gaartay xiisadda ka taagan Villa Soomaaliya oo ka dhalatay dilka la sheegay in loo geystay Ikraan Tahliil Faarax.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here