Askar Ugandhees ah oo ciidanka looga saarey weerarkii Buula-Mareer

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda Uganda ayaa ku dhawaaqday in ciidanka ka saartay Labo askari oo lagu eedeeyay inay dayacayaad iyo fulaynimo sameeyeen xili Al-Shabaab weerar ku qaaday saldhigooda degaanka Buula-Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose 26-kii bishii May ee sanadkan.

 

Labada askari oo lagu kala magacaabo Major John Steven, oo 58 jir ah iyo Major Sadok Abor oo isna 49 jir ah ayaa waxaa xukunka in laga saaro liiska militeriga ku riday Maxkamad Ciidan oo ku taalla Xerada Xalane oo ah xarunta taliska Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Maxkamadda ayaa sheegtay in labada sarkaal ay mas’uul ka ahaayeen saldhigga Buula-Mareer, waxaana lagu eedeeyay inay iska indha-tireen xog sirdoon oo sheegaysay inuu kusoo wajahahan yahay weerar, iyadoo markii uu dhacay weerarkana sameyn waayeen is-difaacin, taasoo sababtay in 57 askari lagu dilay goobta.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in askarta la cabsi-geliyay markii ay iska-caabin lahaayeen dagaalyahanda Al-Shabaab, taasina mas’uul ka ahaayeen taliyaasha oo dhiira-gelin waayay ciidamada xiliga weerarka bilowday, iyagoo u cararay dhanka degaanka Golweyn, oo ATMIS saldhig kale ku leedahay.

Waxay haystaan labada sarkaal mudo 14 maalmood ah inay racfaan ka qaataan go’aanka maxkamadda ee looga saarey Ciidanka Uganda, ee qeybta ka ah ATMIS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here