Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika oo warbixinno ka soo saaray dhaqaalaha Soomaaliya

0

MUQDISHO – Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa wajahaya hoos-u-dhac iyo culaysyo isa soo taraya, sida lagu sheegay warbixinno cusub oo ay soo saareen Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika. Warbixinta Xaaladda Dhaqaalaha Soomaaliya ee Bangiga Adduunka, oo la daabacay May 2026, ayaa xustay in kobaca dhabta ah ee wax-soo-saarka guud ee dalka (Real GDP Growth) uu hoos uga dhacay 4.1% oo uu ahaa sannadkii 2024, isagoo sannadkii 2025 gaaray 3%, sida ku xusan bogga 16-aad ee warbixinta.

 

Bangiga Adduunka ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay mustaqbalka dhaqaalaha Soomaaliya, isagoo sheegay in kobaca dhaqaalaha dalku uu hoos u sii dhacayo sannadka 2026, kaas oo la saadaaliyay inuu gaaro 2.8%.

Sida ku xusan bogga 9-aad ee warbixinta Bangiga Horumarinta Afrika, dakhliga ganacsiyada dalka ayaa hoos u dhacay 27% horraantii sannadka 2026. Dhanka kale, warbixinta Bangiga Adduunka ayaa xustay in hoos u dhac uu ku yimid wax-iibsiga gaarka ah ee qoysaska Soomaaliyeed, kaas oo ka soo hoos dhacay 8.8% oo uu ahaa sannadkii 2024, una dhacay 3.1% sannadkii 2025.

Bangiga Adduunka ayaa sidoo kale sheegay in sicir-bararku uu ka kordhay 3.3% sannadkii 2024, halka sannadkan uu gaaray 3.7%, taas oo sare u qaaday qiimaha cuntada iyo adeegyada aasaasiga ah. Warbixintu waxay saadaalisay in sicir-bararku sannadka 2026 gaari karo 6%.

Warbixinta Bangiga Adduunka ayaa sidoo kale xustay in dad hor leh ay wajahayaan gaajo iyo cunto-yari ba’an. Tirada dadka wajahaya cunto-yarida oo sannadkii 2025 ahayd 4.6 milyan, ayaa sannadka 2026 gaartay 6.5 milyan, taas oo muujinaysa koror dhan 41% marka loo eego sannadkii hore. Tani waxay ka dhigan tahay in ku dhowaad 1.9 milyan oo qof oo hor leh ay galeen xaalad bini’aadantinimo oo ay ku adkaatay inay helaan cunto ku filan.

Dhanka kale, Bangiga Horumarinta Afrika ayaa warbixintiisa ku xusay in Soomaaliya ay la daalaa-dhacayo culaysyada deymaha caalamiga ah. Warbixintu waxay sheegtay in wadarta deynta lagu leeyahay dowladda Soomaaliya ay sannadkii 2025 korortay $38 milyan, iyadoo ka soo kacday $1.117 bilyan sannadkii 2024, una gaartay $1.155 bilyan sannadkii 2025, sida ku xusan bogga 4-aad ee warbixinta.

Labada warbixin ayaa isku raacsan in dhaqaalaha Soomaaliya uu wajahayo caqabado sii xoogeysanaya, oo ay ka mid yihiin hoos u dhaca kobaca dhaqaalaha, kororka sicir-bararka, hoos u dhaca dakhliga ganacsiyada iyo yaraanshaha awoodda wax-iibsiga bulshada, iyadoo tirada dadka wajahaya cunto-yariduna ay sii kordhayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here