Muqdisho – Warar diblumaasiyadeed ayaa muujinaya in Bangiga Adduunka uu ka cabsi qabo inuu jaro kabka miisaaniyadeed ee uu siiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, haddii aan xal degdeg ah laga gaarin khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in ka hor bisha May ee soo socota ay suuragal tahay in la hakiyo taageerada dhaqaale, haddii aan lagu guulaysan heshiis ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka. Arrintan ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo saameynta ay ku yeelan karto dhaqaalaha dowladda iyo bixinta adeegyada aasaasiga ah.
Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in qaar ka mid ah dowlad goboleedyada mucaaradsan dowladda dhexe ay riixayaan tallaabadan, iyagoo ku doodaya in marka la gaaro 15-ka May uu dhammaanayo muddada sharciyeed ee hoggaanka dowladda, taasoo keeni karta in taageero kasta oo caalami ah loo arko mid ku socota dowlad aan haysan sharciyad buuxda.
Bangiga Adduunka ayaa sanad walba Soomaaliya siiya taageero u dhaxaysa $100 milyan ilaa $200 milyan, taasoo lagu taageero dib-u-habeynta nidaamka canshuuraha, maamulka maaliyadda, hufnaanta, iyo la dagaallanka musuqmaasuqa, iyadoo lagu xiro shuruudo siyaasadeed iyo dhaqaale.
Tani ma ahan markii ugu horreysay ee xaalad noocan ah ay dhacdo. Bishii March 2021, Bangiga Adduunka, Midowga Yurub iyo dowlado ay ka mid tahay Sacudi Carabiya ayaa hakiyay taageeradii ay siin jireen Soomaaliya, kadib muran siyaasadeed iyo eedeymo la xiriiray muddo xileedkii dowladda iyo khilaafaadkii dhacay xilligii madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.




