Madaxweyne Farmaajo oo wada-hadallo la yeeshay Amiirka dalka Qatar

Madaxweynaha Soomaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Amiirka Qatar Shiikh Tamiim Bin Xamad Al-thani ayaa qadka telefoonka uga wada hadlay xoojiinta xiriirka labada dal. Labada mas'uul ayaa si gaar ah diirada u saaray sidii sare loogu qaadi lahaa iskaashiga iyo xiriirka xoogan ee haatan ka dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Qatar. Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahan ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Farmaajo...

R/W Rooble oo war kasoo saaray doorashadii Puntland ee Aqalka Sare

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Roobe oo weli booqasho ku joogo dalka Kenya, gaar ahaan magaalada Mombasa ayaa ka hadlay doorashadii Golaha Aqalka Sare ee maanta lagu qabtay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. Rooble ayaa ugu horreyn madaxda, baarlamaanka iyo shacabka Puntland ugu hambalyeeyey qabashada doorashada xubnaha maamulkaasi ee Aqalka Sare. Sidoo kale ra'iisul wasaaraha ayaa ku boggaadiyey madaxweynaha...

Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya

Idiris Cabdullahi Macalin oo ku magac-dheere (Food Cade)  oo muddo 7-Sano ka tirsanaa  Al-Shabab ayaa maanta  isku soo dhiibey ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed t,eybta 60-Aad ee ka howl-gasha magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed. Sarkaalkan ayaa la sheegay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa ilaalinta xabsiyada ,isaga oo haatan ka soo goostey  dhinaca degmada Xarardheer oo ka tirsan gobolka...

Duqa Muqdisho oo xilalkii ka qaaday guddoomiyeyaal degmo

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xilalkii ka qaaday afar gudoomiye degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir. Guddoomiyaasha xilka laga qaaday ayaa waxaa ka mid ah. 1- Guddoomiyaha degmada Xamar Weyne Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir. 2- Guddoomiyaha Kaaraan Abshir Kaaraan. 3- Guddoomiyaha degmada Waabari Cabdicasiis Cismaan Jaamac. 4- Guddoomiyaha degmada Hiliwaa Cabdixakiin Cumar Cabdulle, Cumar Filish ayaa sidoo kale...

Aqriso: Magacyada Senatarada Aqalka Sare ee lagu doortay magaalada Garowe

Xildhibaanada baarlamaanka  Puntland ayaa maanta doortay 11-ka Senatar ee ay Puntland ku leedahay golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, kadib doorasho ka dhacday magaalada Garoowe. Kursigii ugu horreeyey ee doorashada ayaa waxaa kusoo baxay madaxweynihii hore ee Puntland, Mudane Cabdiraxman Maxamed Maxamuud (Faroole) , wuxuuna helay 54 cod, halka musharraxii la tartamayey ee Maxamed Cismaan Colaad uu isna helay 11...

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo kulamo ka bilaabay magaalada Mombasa

Ra’iisul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Mombasa ee dalka Kenya. Rooble ayaa uga warbixiyay jaaliyadda kulankii uu la qaatay xaaladda dalka iyo doorashooyinka dalka ka bilowday. Sidoo kale xubno ka tirsan jaaliyadda oo madasha ka hadlay ayaa ballan qaaday inay taageero la garab taagan yihiin xukuumadda Soomaaliya...

Galmudug oo soo saartay jadwalka doorashada ee Aqalka Sare

Guddiga doorashada ee Galmudug ayaa soo saaray jadwalka qabashada doorashada maamulkaasi ee Aqalka Sare, taas oo ka dhaceysa magaalada Dhuusamareeb. Warqad kasoo baxday guddiga ayaa waxaa lagu sheegay inay maanta billaabaneyso diiwaan-gelinta xubnaha musharraxiinta ee liiskooda la shaaciyey, kuwaas oo gaaraya illaa lix xubnood, halka labada kursi ee haray dib lag dooran doono. Guddiga ayaa sidoo kale shaaciyey in doorashada xubnaha...

Wafdi ka socda guddiga doorashooyinka oo u safray magaalada Garoowe

Xubno ka mid ah Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka dalka, ayaa saaka u safraya Dowlad Goballeedka Puntland si ay ugu qeyb galaan doorashada Aqalka saere oo la filayo in maanta ay halkaas ka qabsoonto. lix xubnood oo ka mid ah Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka ayaa ku wajahan Garowe kuwaa oo goob jog ka ahaan doona doorashada kuraasta Aqalka Sare ee Dawlad...

Qoor Qoor oo shaaciyey liiska lix kursi oo ka mid ah Golaha Aqalka Sare

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa goordhaweyd soo saaray liiska qaar ka mid ah tartamayaasha kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Sooomaaliya. Qoor Qoor ayaa soo saaray 12 musharax oo u tartami doona 6 kursi oo ka mid ah 8-da kursi ee Galmudug ku  leedahay Aqalka Sare. Sidoo kale waxaa liiska ka soo muuqday 3 xubnood oo ka mid ah Aqalka...

Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadashay xal u helidda barakacayaasha

Agaasimaha Xafiiska Xalka Waara ee Wasaaradda Qorshayenta Qaranka Marwo Sahra Cabdi ayaa kulan mira-dhal ah la yeelatay Agaasimaha u qaabilsan Guddiga Qaxootiga Daanish (Danish Refugee Council-DRC) Ms Heather Amstutz. Labada Mas’uul ayaa kulankooda ku lafa guray  kor-u-qaadidda Iskaashiga ku aadan taageerida bulshooyinka barakacu saameyay ee dalkeenna sidii xal waara looga gaari lahaa. Marwo Sahra Cabdi Agaasimaha waxa ay warbixin kooban ka...

WARAR KALE

Hay’adda SoDMA oo shixnad gargaar ah gaysay gobolka Gedo + Sawirro

DOOLOW (SMN) - Degmada Doloow ee Gobolka Gedo, ee dowlad goboleedka Jubbaland oo kamid ah goobaha cabsida laga qabo in roobabka Gu'ga daadad iyo...

Raashinkii ciidanka Danab oo la masuq-maasuqay iyo saraakiil loo xiray

MUQDISHO (SMN) - Wasaaradda Gaashaandhigga ee XFS oo warbixin ka soo saartay taageerada dowladda Maraykanka ee iskaashiga istiraatijiyadeed ee ay la leedahay shacabka iyo dowladda...

Somali Defense Ministry Investigates Diversion of Rations for Elite Danab Forces

MOGADISHU, Somalia  - In a significant development, the Somali Defence Ministry has confirmed the diversion of rations intended for the elite US-trained Danab forces,...